Safarkii Cadaabta qaybtii 1aad:

Xadiis ayuu Nabigeenii muxamed (nnk) ku yiri nimbaa camal wanaagsan iyo salaad badan janadu markay taako u jirto ayuu wuxuu isu rogi 90 degree dhinaca kale markaas ayuu cadaabta geli.

Waxaa Xadiiskaas wuxuu ka hadlayaa sida nimankii jihaad ama halganka sheegan jiray laakiin marwalba habdhaqankoodu ahaa mid u adeegayay gumeysiga sababtoo ah mar walba dadka ayay qaybin jireen, waxay dacaayadeyn jireen halganka shacabka soomaalida ogaadeenya,jwxo na wakhtigii ku filaa iyo u dhimrin kalama ay daalin, waxay ummadda soomaalida ee halganka inay taageerto laga yaabi lahaa ku dhihi jireen kuwan onlf waa cilmaaniyiin, waa qabiil,carabahana sidaas si lamid ah ayay ku dhihi jireen, arintaas caqabad ayay ku ahayd saaxiibo u sameynta qadiyada ogaadeenya waayo waxay u ekaayeen islaam iyo culumo meesha ay uurka ka ahaayeen gacan yare gumeysi, cadowga xoriyada, diinta iyo dadka ogaadeenya.

Laakiin siduu ilaahay quraankiisa ku sheegay wuxuu yiri waanu idin imtixaani taniyo inta aan kala madhayno mujaahidka beenaalaha ah iyo ka dhabta ah, damacii waalaa ee qolyahan cadaabtii u safray waxay keentay in ay kolba meel isku qaadaan, kolba magac cusub sheegtaan, kolba isku dayaan in ummadda soomaaliyeed halgankooda soo afjaraan, intaas markay ku guul dareysteen, ilaahay niyadoodii xumeyd ee halaaga ay kula doonayeen ummadda ogaadeenya wuxuu ka dhigay mid fashilanta, markii beentii kitaabka laga sheegyay iyo dilaalnimadii carabaha soo afjarantay, waxay xubno kamid ah kooxdan oo awalba hoosta kala jiray tigreega ay  ku qanciyeen in itoobiya loo shaqeeyo ileen awalba iyadaa loo shaqaynayaye.

Adisababa ayaa sida iyadoo xaramkii loo socdo laysku siidaayay, soo horaay baa ka dhacday, laakiin maxaa laga faaiidi orodkan foosha xun ee gumeysi doonimada ah? soo hooyaday iyo walaashay tigreeyoow fara xumee ma aha raali baan kaaga ahayee?xasuuqa dadkayga waan ku farxayaa soo ma aha? na dhaxla aan baa,banee soo ma aha? bal hooyadii figooyoow maxaad adigu faaiidi? waa dad u sameysan in ay cimrigooda shalaayaan oo aan waxba kala sooci karin, cadow iyo saaxiib, ficiladooda hadaan af iyo adinba looga hortagin ummadda soomaalida ogaadeenya waxay u horseedayaan gunimo aan abid dib looga bixin.

 

  daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.|

 

hanqadh@gmail.com