Shacabka ogaadeenya oo midoobay & Guulaha cwxo. 

wararka ogaadeenya ka imanaya iyo kuwa qurbaha ka dhacaya markaad isbarbar dhigto waxaa kusoo baxaysa in shacabka soomaalida ogaadeenya maanta wado dadaal dhab ah oo ay doonayaan in ay xornimadooda ku hantaan.

waxaa gudihii ogaadeenya ka imanaya warar aad u farxadgalinaysa qofwalba oo jecel xornimada shacabka soomaalida ogaadeenya,kana nixinaysa dabaqoodhiga iyo cadowga neceb jiritaanka iyo xornimada  soomaalida ogaadeenya.

Waxaa socda taageero hiil iyo hooba leh oo shacabkii guduhu la garab taagan yihiin jwxo, waxaa nasoo gaadhaysa in shacabkii wayaanaha ka cabsan jiray ay cabsidii dhamaatay eega welwel iyo cabsina  ku hartay woyaanaha iyo jawaasiistiisa iyo qof walba oo maalin waxyeeleeyay qadiyada xaqa ah ee soomaalida ogaadeenya.

Waxan oo guulo ah ama isku kalsooni ah mayna jirteen hadii jwxo ayna ku socon jid xaq ah oo illahay  raali ka yahay xigmad iyo iskutashina uuna la socon. ilaahay waxuu yiri  sw."hadii aad alle u gargaartaan wuu idiin gargaari waxuuna idinka yeeli kuwo aduunka baaqi ku ahaada ama aan laga guulaysan" ilaahay mahadii jwxo markii ay ilaahay talo saaratay oo difaacday diinteedii ,dalkeedii , iyo dadkeedii, ilaahay waxuu siiyay kaalmo oo waxaa taageero hiil iyo hooba leh maanta la garab istaagan shacabkii shalay biyaha u diidayay ee lahaa war ha nagubina.

Waxaa ilaahay mahadiis ah in maanta shacabkii soomaalida ogaadeenya ee u haystay in onlf qabiil tahay shalay ay maanta xaqiiqsadeen oo xaqii indhahooda ay ku arkeen waxa onlf dhab ahaantii u dagaalamayso taasoo ah difaacida karaamada dhamaan shucuubta soomaaliyeed,gaar ahaan soomaalida ogaadeenya.

baraarugan shacbiga iyo tayada cwxo ee ku faafaya dhamaan dagaanada soomaalida ogaadeenya iyo jabka soo gaadhaya ciidanka wayaanaha goobaha laysku gacmo saaro ayaa waxay soo dadajisay in wayaanihii maanta quus yahay, wax alaale wax uu sameeyana garan la,ayahay, waxaana gabi ahaanba hawlgab noqday waxuu ugu yeedhi jiray kilil oo noqday meel lagu kala guuray.

Shacabka soomaalida ogaadeenya waxay mobilka iyakoo dariiqa taagan kaaga sheekeeynayaan guulaha ay soo hoyisay cwxo iyakoon wax cabsi ah ka qabin wayaanaha markan waydiinay soo laydin xiri maayo? ama laydin dhagaysan maayo? way nagu qosleen waxayna noogu jawaabeen in maanta waxa magaalooyinka ku dhuunta ay yihiin wayaanaha iyo jawaasiistiisa guul darada ka soo gaartay goobaha dagaalka darteed. amardiido aad u balaarana ay ka jirto ciidanka dhexdiisa markii woyaanuhu u adkeysan waayeen xasuuqa ciidankiisa ka soo gaadha goobaha dirirta.

Cwxo ayaa waxuu sameeyay siyaasad aad u wanaagsan taas oo sababtay in ciidanka woyaanaha markey nafta u yaabaan ay jabhada isu soo dhiibi karaan isla markaana cwxo uu damaanad qaadayo nabadgelyadiisa loona gudbiyo meesha uu doorto sida kenya,somalia,ama itoobiya.

isku duubnidan shacabka ogaadeenya iyo kan qurbaha iyo kartida ciidameed ee jwxo waxaa suurta gal ah mardhow in ay soo dadajiso burbur ku yimaada maamulka adis ababa.

 

qore: daljir999@hotmail.com

 

fikirka qoraalkan waxuu ku kooban yahay qoraha.

 

hanqadh@hanqadh.com