Shacab godey lagu xidh xidhay. 

 
Dad iyo xoolo fara badan oo lagu xidhxidhay Godey

Warar lagu kal soonyahay oo ka imanaya gobalka Godey ayaa sheegaya in dad fara badan ku xidhanyihiin magaalada Godey ilaa laba todabaad. Dadkaas oo laga soo qabqabtay baadiyaha tuulada boodhcaano, dadkan shacabka ah ee sida sharci darada ah ugu xidh xidhan waxaa weheliyay xoolo nool oo iyagana isla aagaas laga soo kaxaystay.

Dadka xidhxidhan oo aad ufara badan waxaan magacyadooda helay:

1. Raabi Aw-muxumed Cabdi
2. Makhtal Cabdullaahi kadoon
3. Maxamed Ibraahim Cabdi
4. Shaafi SHEEKH cumar
5. Dubad Cabdullaahi Kadoon
6. Yuusuf Odawaa Xaashi
7. Maxamed Cali nuur
8. Cabdi dayr diiriye Cbadi
9. Maxamed Shaafi SH cumar
10. Qaalane Qurbac
11. Cabdi maxamed Cumar
12. Deeq Hussein MUXUMED
13. Faysal Sheekh Cumar
14. Maxamed Bashiir Colow
15. Xassan Galayax Afey
16. Hussein Muxumed YARE
17. Maxamed Muxumed yare
18. Axmed yuusuf Oriye
19. Axmed Cabdullahi Haybe
20. Xeroow Suufi Khaliif

Dhinacakale waxaa magaalada kuxaraysan xoolo fara badan oo laga soo uruuriyay isla aagaas boodhcaano. Xoolahan waxay kala yihiin: Adhi 100, lo’ 75 iyo geela oo ah 40. Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in lodii loogu deeqay askarta tigreega adhigiina ciidanka dabaqoodhiga ah lasiiyay si loogu quudiyo.
Wixii kasoo kordha waanu soo tabin doona insha Allah.

Haro digeed

Xigasho: ona

hanqadh@hanqadh.com