|

Shacabka ogaadeenya oo waxqabad ku tartamaya.
Sida beryahan dambe aad mediyaha ka arkeyseenba waxuu shacabkii ogaadeenya u dareeray shaqo iyo in uu xasuuqa lagu hayo isagoon ilaahay mooyee cid kale kutashan inuu iska qaado, waxaa aduunkan aynu ku nool nahay gees iyo gees is qabsaday calankii ogaadeenya, waxaa soo baxay ummadd dhadhamisay faaiidada ay leedahay wadajirka waxaa shaashadaha caalamka,golayaasha riwaayadaha, goloyaasha shirarka isqabsaday ummadd wada faraxsan oo kuwada labisan calanka quruxda badan ee cagaar,buluug & casaanka ah xidigta cadna dhexda kaga taalo.
waxaa meel walba iska soo qabsanaysa mowjado xornimodoon ah oo midba tay kadambeyso kasii qurux iyo tayo badan tahay, waxaa halmar wada guntaday dhalinyaradii ogaadeenya oo markan haysata aalado sahlaya wada xidhiidhkooda sida internettka,webabka,iyo idaacadaha qadiyada sida xoriyo,codka shacabka,ogaal iyo kuwo kale.
Dadaalkan ay hada wadaan soomaalida ogaadeenya hadii aynan joojin iyaku waxaan shaki lahayn cid adoonsan kartaa oo aduunka joogtaa in aysan jiri karayn.
Beryahan dambe waxaad qurbaha ku arkeysaa wax kaa yaabiya waayo waxaad arkeysaa hal magaalo oo ay sadex shir ka dhacayaan, sida shirkii maamulka jaaliyada, kii dhalinyarada. iyo kii hooyooyinka, waxaa intaas sii dheer in mardhow imandoonto insha allah shirkii duqeyda, iyo kii culumada. oo qadiyada qaybtooda qaadanaya.
qore: daljir999@hotmail.com
fikirkan waxuu kali ku yahay qoraha.
hanqadh@hanqadh.com
|