|

Shirarkee soomaalida ogaadeenya u dhiman?.
shacabka soomaalida ogaadeenya shirar badan ayay qabsadeen laakiin maanta waxay u baahanyihiin in shirarka ama kulamada lagu daro qaybo muhiim ah oo bulshada soomaalida ogaadeenya ka mid ah sida kulamada dumarka ogaadeenya & caruurta soomaalida ogaadeenya.
Si ubadka soomaalida ogaadeenya ee qurbaha ku koraya ugu koraan qadiyada waxaa muhiim ah in shirarka caruurta ogaadeenya jaaliyad walba abaabusho sanadkiiba mar ugu yaraan si caruurtu isugu barato halgankuna uu u noqdo qayb kamid ah noloshooda iyakoo da,yarna ku ababaan.
Dumarka ogaadeenya ee qurbaha waxaa muhiim ah in ay sameystaan dalado mideeya kulamana ay yeeshaan ugu yaraan sanidkiiba mar.
dumarku waa lafdhabarta bulsho walba sidaa darteed hadii ayna baraarugsanayn waxaa hubaal ah in bulshadaasna ay noqonayso bulsho gaabis ah, si dumarku kaalintooda u qaataan waxaa muhiim ah in ay kulmo joogta ah yeeshaan seminaarona la siiyo sidii ay u ababin lahaayeen jiil caafimaad qaba gurigoodana ay ugu hagi lahaayeen dariiqa saxda ah si ummadda soomaalida ogaadeenya uga baxdo gumeysiga ay ku jiro.
inshaa allah waxaan ka rajeynaynaa jaaliyadaha kala duwan ee soomaalida ogaadeenya in ay caruurta u abaabulaan kulamo ay leeyihiin oo ay ku sii bartaan sida loo shiro qadiyaduna ay ku noqoto mid quluubtooda ku beeranta iyakoo da,yar.
hanqadh@hanqadh.com |