Shir Dhexmaray jaaliyada sweden iyo Barlamaanka Sweden. 

  Maalintii jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 2009.06.26. ayaa waxaa dhexmaray kulan xubno ka socday jaaliyada somalida ogaadeeniya iyo xubin ka tirsan baarlamaanka Sweden, kulankaas oo diirada lagu saaray xaalada ogaadeeniya iyo dhibaatada haysata shacabka halkaas ku nool. isbarasho ka dib waxay xubnihii jaaliyada ka socday u sharxeen xildhibaanka taariikhda ogaadeeniya laga soo bilaabo markii ogaadeeniya lagu wareejiyay gumasiga abasiiniya, sidii ay ula dhaqmeen ogaadeeniya xukuumadihii soo maray Ethiopia ilaa maantana ay ka taagantahay dhibaato aan la soo koobi karaynin oo ay ciidamada guumaysiga ethiopia ku hayaan shacabka aan waxba galabsanin iyada oo aan loo kala aabayeelaynin dumar, caruur,odayaal iwm. 
 
Xubnihii jaaliyada ka socday  waxay tuseen xildhibaanka in dawlada uu xildhibaanka ka yahay oo ka mid ah dawladaha midawga yurub miisaanka ku leh in ay masuuliyad ka saarantahay sidii shacabkaas looga badbaadin lahaa ciidamada guumaysiga Ethiopia ee gumaadaya shacabka aan hubaysnayn.
 
Intaa kadib waxaa hadalka la wareegay xildhibaanka oo aad uga tiiraanyeysan dhibaatada iyo xadgudubyada ay samaynayaan ciidamada guumaysiga iyo sida caalamku uga gaabiyay arintaas. isaga oo hadalka sii wata  wuxuu yidhi: waxaan booqday qaar ka mid ah wadamada dhibaatadu ka taagantahay sida afkhaanistaan, kosovo, shiishaan iyo falestiin. waxa kale oo uu sheegay in uu rajaynayo in uu booqdo ogaadeeniya haday xaaladu u saamaxdo.

 
ugu danbayntii wuxuu xildhibaanku balanqaaday in uu dhibaatada haysata shacabka ogaadeeniya uu dhex gaynayo golayaasha baarlamaanka iyo cid kasta oo ay khusayso arintu.

 
si kastaba ha ahaatee, jaaliyada sweden waxay balaadhisay xidhiidhkeeda ay la leedahay hay´adaha kala duwan ee wadanka sweden si ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan  xaalada ogaadeeniya.

 
Guul iyo gobonimo

 

hanqadh@hanqadh.com