Shirweynaha Jaaliyadaha ogaadeenya ee lagu qaban doon sweden oo qaban qaabadiisu meel fiican mareyso.

Shirweynaha jaaliyadaha ee sweden ayaa waxaa lagu wadaa inuu noqdo shir qurbe lagu qabto oo soomaalida ogaadeenya qabato  kii abid ugu dad badnaa uguna abaabul sareeya.

Shirkan oo dhici doona dhamaadka bisha luuliyo sida lagu wado ayaa waxaa la filayaa in jaaliyadaha scandinevianka oo dhan ay uga soo qaybgalaan si buuxda. waxaa kale oo shirka la filayaa in ay kasoo qaybgalaan wufuud kala duwan oo aduun weynaha oo dhan ah.

Shirkan ayaa wuxuu noqon doonaa meel xisaabtan, isbarasho, hawlqaybsi iyo meel dawlada sweden iyo dadka soomaaliyeed ee kunoolba lagu baraarujin doono xaqnimada halganka ay soomaalida ogaadeenya ku jirto.

Shabakada hanqadh inshaa allah waxay idiin balan qaadi inta aan nasiibka u helin in aan muqaal iyo muuqaalba si joogta ah idiinku soo diri doono.

 

hanqadh@gmail.com