Shirkii Gaarisa ee Golaha Qurbajoogta Jubooyinka  & Ururka SWSO. oo Guul Ku Dhamaaday.

Shir si aad u heersareeya loo soo agaasimay oo ay soo abaabuleen golaha qurbajoogta jubooyinka iyo  ururka solidaritiga haweenka soomaaliyeed oo guul ku dhamaaday.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybahan :

  • Golaha guurtida absame ee jubooyinka
  • Golaha iskuxirka absame ee jubooyinka.
  • Golaha gurtida absame ee gudaha.
  • Golaha gurbajoogta jubooyinka ee bariga afrika.
  • Ururka solidaritiga haweenka soomaaliyeed.
  • Warbaahinta caalimiga iyo tan maxaliga ah.

 

Waxaa kale oo shirka khadka talefoonka uga soo qaybgalay:

  • Proff. Maxamed cabdi Gaandi.
  • Gud. JDF. Cabdi Axmed.
  • xog. xirirka caalamiga J.D.F. xasan.

Waxaa kale oo shirka kasoo qaybgalay marti sharaf kale oo badan.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaalada guud ee jubooyinka iyo sidii nabadgelyadii loo soo celin lahaa, waxaa kale oo shirka laysku raacay taageero sharci ahna lasiiyay sidii loo taageeri lahaa banaamijka uu proff gaandi hormuudka u yahay ee jubooyinka, isla mar ahaantaana waxay  salaadiiinta iyo aqoonyahankii shirku isku raaceen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago dadaalka ay wadaan golaha qurbajoogta jubooyinka iyo ururka solidaaritiga haweenka soomaaliyeed ah in la xaqiijiyo jubbaland nabad ah oo barwaaqo ah.

Shirkan faahfaahintiisa waxaan idiinka soo gudbin doonaa dib inshaa allah sawiradii iyo codkiiba .

 

Xigasho: www.jubbalanddf.net

 

Hanqadh@gmail.com