|
Shirkii Jaaliyadaha Soomaalida Ogadenya Sweden oo Si aad u fiican u socda.

Shirkii jaaliyadaha soomaalida ogaadeenya oo si habsami ah uga socda caasimada wadanka sweden ee stockholm.
Shirkan ayaa waxay wafdiyadii ka qaybgali lahaa soo wada xaadireen 29.07.2010 iyakoo kakala yimid dhamaan wadamada aduunka ee awoodi karay in ay yimaadaan shirkan.
Waxaa kale oo shirka kasoo qaybgalay madax sare oo katirsan jabhada wadaniga xoreynta ogaadeenya oo ugu horeeyo gudoomiyaha jabhada wadaniga xoreynta ogaadeenya admiraal maxamed cumar cismaan, hogaanka jabhada wadaniga xoreynta ogaadeenya mudane diirane, hogaanka arimaha dibada mudane cabdiraxmaan sheekh mahdi, iyo madax kale oo badan.
Waxaa gabi ahaanba buuxsamay hoygii loogu tala galay jaaliyadaha waayo waxaa yimid kumanaan aan lagu xisaabtamin oo rabay in ay shirka kasoo qaybgalaan.
Waxaa kale oo shirkan lagu martiqaaday fanaanka & fanaanada caanka ah jaangow iyo saado cali warsame oo runtii ku qabtay bandhig faneed magaalada stockholm.
Bandhig faneedkii stockholm ee saado iyo jaango ayaa waxaa kasoo qaybgalay tiradii abid ugu badnayd ee halbandhig faneed isugu yimaada.
Dadweynaha soomaaliyeed ee xafkadii saado iyo jaangow ayaa wuxuu kasoo qaybgalayaashii ku abuuray dareen wadaniyeed oo aad dhiiga u dhaqaajiyay dhalinta qurbajoogta ah ee laga yaabo in dalalkoodii soomaaliya iyo ogaadeenyabo inayna waligood horey u arag.
Shirka jaaliyadaha ma aha wax laga sheekeyn karo inshaa allah sawiradii iyo codadkiiba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa inshaa allah.
kala soco hanqadh.com wararka shirka stockolm. |