|
Shirkii Jaaliyadaha ee Sweden Looma Kala Harin.

Shirkii Jaaliyadaha soomaalida ogaadeenya ee sweden oo u socda si aad iyo aad u wanaagsan lana rajayno in ay kasoo baxaan guulo aad u weyn oo faaiido weyn u yeelan doona halganka xornimodoonka ee ummada soomaalida ogaadeenya qarniyada badan ku jireen.

shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ogaadeenya ka kooban tahay sida . aqoonyahano,culumo,haween,dhalinyaro, iyo dhamaan bulshaweynta soomaaliyeed ee ku nool wadanka sweden.

Sida aad sawirada ku aragtaan waxaa dadkii shirka kasoo qaybgalay ka muuqata farxad aad u weyn waxayna dareemayaan in shirkan uu aad uga duwan yahay shirarkii ka horeeyay, iyada oo aad ka garanayso jawiga meesha lagu qabtay oo ah hotel aad uwanaagsan oo ku yaal meel ka baxsan magaalada.

Shirkan ayaan loo kala hadhin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan caruurtii soomaalida ogaadeenya oo sidaad aragtaan ku xardhay wajiyadooda calankii soomaalida ogaadeenya.

Shabakada hanqadh maalmo iyo bilo kuma soo koobi karto shirka iyo waxyaabihii ka dhacay oo aad u farxadgelinaya qofka xornimo doonka ah bahdil iyo murugana ku abuuri doonta qofwalba oo maalin gumeysiga gacan siiyay.



Kala socda muuqaalada iyo wararkii ugu dambeeyay ee shirka jaaliyadaha www.hanqadh.com

kala soco www.hanqadh.com |