
Shirkii Guusha Dhalinyarada ee Finland:
"waxaad tihiin ummad ilaahay abuuro kuwii ugu khayr badnaa"ayuu ilaahay aayad ku leeyahay , maxaan ku noqonay sidaas? ilaahay isagoo noo sheegaya ayuu waxuu sii raaciyay "xumantaad iska reebaysaan wanaagana waad is faraysaan" hadii keena khaldan waad khaldan tahay dhahi karin keena saxsana sheegaynin oona raacaynin darajadaas ilaahay agtiisa kama aynaan heleen.
hadaba ayaadaas oo lagayaabo in meelo kale kaga haboonaan lahayd ayaa hadana ujeedadayda waxay tahay in kuwii inaga mid ah ee wax dan umadeena u ah qabanaya aan garabsiino kuna amaano sida aan halkan uga jeedo jaaliyada finland oo kale.
Kuweena khaldan ee gumeysigu inoo soo adeegsana aan usheegno khaladkooda. iyakoo laga yaabo in aqoon la,aan ay hayso waxay sameynayaan ama hunguri yar iyo damac bani,aadam in uu dhaafiyo in ay tixgeliyaan dantii guud ee ummadena oo maanta ku jirta daruuf adag oon kala tag aqbali karin.

sawirkan kore waa gabdhaha lafdhabarka u ah dhalinyarada yurub... waxwalbana waxay u sameynayaan wadajirka dalkooda iyo dadkooda.

Sawirkan waa dhalinyaradii oo shiraysa sawirka ugu soo horeeyana waa mr. colaad oo ahaa ragii aabaha u ahaa waxii finlan kadhacay isaga iyo teamka dhalinyarada.

sawirkan waa hogaankii sare ee dhalinyarada (ogaden youth league) qofka taagana waa abwaanka da.da yar ee xusen oo runtii gabayadiisa marka aad maqasho ay ilintu kusoo dhaafi abwaanka aabihiis waxaa dilay woyaanaha.
 
 

sawirkan waa mubaarak oo kawar bixiyay taariikhda dhulka iyo sida isticmaarka u boobay oo uu uga baxay dhamaan balamihii uu reer ogaadeenya lagalay marmarka qaar waxaa dhacaysay in injineerku cadho iyo ciil usharixi kari waayo oo ay ilintu soo dhaafaysay.

waxii finland ka dhacay ma aha wax aan dhamayn doono bilaha soo socda laakiin ilaahay haduu yidhaahdo maalinba sawir dareen nagu reebay ayaan soo wadnaa kow iyo labana ma joogno.
reer ogaadeenya meel ay joogaan iyo waxaad doonto oo kula qumanba waxaa aan ku qasbanahay in aan mid noqono onlf na aan wada taageerno waa dariiqa noo banaan maanta qof walbona aad kaalintaada kasoo baxdo.
dhaliil umabaahnin, doorasho uma baahnin, qabyaalad uma baahnin, koox cusub uma baahnin,
waxa ay reer ogaadeenya u baahanyihiin: midnimo shaqo badan, taageerida onlf, iyo heeryada gumeysiga oo aan iska qaadno.
woyaanaha waan ka adagnahay laakiin qofwalba oo aan kaalintiisii qaadanayn iyo anaga oo jahli iyo laysku keen isticmaalo weeye dhibku. aan joojina taas hada.
si aan xor u noqono woyaanahana isaga xoreyno.
daljir.
hanqadh@hanqadh.com |