|

Shir looga Hadlay Xaalada xuquuqda Aadanaha Ogaadeenya.
maaliintii taariikhdu ay ku beegnayd 2009.06.15 ayaa waxaa magaalada stockholm ee carliga sweden lagu qabtay shir balaadhan oo lagaga hadlayay xaalada xuquuqda aadamaha ee ogadeniya iyo dhibaatada haysada shacabweynaha somalida ogadeniya. shirkaas waxaa soo qaban qaabiyay xisbiga shacabka ee wadankan (folk partiet) waxaana ka soo qayb galay hay'adaha xuquuqda aadamaha u dooda qaarkood oo ay ugu horayso amnesty international. waxa kale oo goobjoog ka ahaa hay'ada wadankan ugu qaabilsan gargaarka ee SIDA, iyo NGO'S yo ka shaqeeya gudaha dalka Ethiopia. waxa kale oo qayb libaaxle ka qaatay jaaliyada soomaalida ogadenya ee Sweden oo tiro badan ku joogtay goob. shirka ayaa waxaa lagu bilaabay isbarasho dhex martay dhamaan dadkii kale duwanaa ee ka so qayb galay shirka. shirka oo u socday qaab warbixino iyo doodo ah oo ku saabsan xaalada xuquuqda aadamaha ee ogadeniya ayaa jaaliyadu runtii waxay soo bandhigeen war bixino dhaxal gal ah oo maqal iyo muuqaal iyo qoraalo farbadan oo loo qaybiyay dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka. muddo dhawr iyo toban daqiiqo ah ayaa waxaa la daawanayay cajal laga soo duubay dhibanayaal ku sugan xeryaha xoqootiga wadanka kenya ee soo miciin baday halkaan, dadkaas oo u badnaa caruur iyo hooyooyin ayna la socon wax ragg ah oo dhibaatooyin kala duwan qaba sida kusfsi, marjin, xadhiga iyo jidh dil intaba. gabadhii shirka daadihinaysay oo ka socotay xisbiga folk partiet ayaa tidhi waan aragnaa dhibaatada haysata shacabkan masaakiinta ah ee aan hubaysnayn taasina waa sababta aan shirkan u qabanay si aan warbixino meelo kale duwan kayid aan u helno. intaa ka dib waxaa hadlay hay'adihii kale ee shirka goobjooga ka ahaa dhamaantoodna waxay isku raaceen in ay xaalad aad u qalafsan ay dadkaasi ku jiraan oo aan waliba loo ogolayn iskaba daa in wax loo taree in la booqdo. waxay sheegeen in ay arintaa marar badan dawlada ethiopia kale hadleen laakiin si cad naloogu diiday in aan gobolkaa tagno. sidoo kale waxay sheegeen hay'adahaasi in sharciga cusub ee ay ethiopia ku soo rogtay hay'adaha ka hawl gala wadankeeda in ay xaalada ka sii dari doonto loona baahnyahay in laga hortago sharcigaas inta ay goori goor thay. si kastaba ha ahaatee waxaan odhan karnaa wuxuu ahaa shir guul laga gaadhay ujeedadii laga lahaa. xisbigan soo qabanqaabiyay shirka ayaa waxay balan qaadeen in midkan mid ka balaadhan oo ay hay'ado badan ka soo qayb gali doonaan ay wakhti dhaw qaban donaan. Guul iyo Gobonimo
hanqadh@hanqadh.com
Hitta kärleken lagom till sommaren! Klicka här MSN Dejting
|