Shir Wadatashi oo ka Dhacay Nayroobi.

Kulan Wadatashi oo Dhexmaray Proff.gaandi . Golaha Qurbajoogta Jubooyinka & Ururka SWSO.

 

    Proff .Maxamed cabdi gaandi

  • Golaha qurbajoogta Jubooyinka ee bariga afrika.
  • Ururka Solidaritiga haweenka soomaalida ee (SWSO)

Shirkan wadatashiga ayaa wax

 ay ka wada arinsadeen sidii la isaga kaashan lahaa nabad kusoo celinta degaanada jubooyinka iyo gedo isla markaana loo sameyn lahaa gole mideeya dhamaan qurbajoogta jubooyinka ee bariga afrika .

Shirka ayaa waxaa kale oo looga hadlay shirka la filayo inuu  ka dhaco caasimada waqooyi bari kenya ee gaarisa, shirkan oo laga sugayo in ay kasoo baxaan maamul iyo gole kulmiya dhamaan bulshooyinka jubooyinka ee bariga afrika waxaana kasoo qaybgeli doona insha allah:

  • dhamaan odey dhaqameedyada degaanada jubooyinka.
  • Xubno ka socda golaha qurbajoogta jubooyinka ee bariga afrika.
  • Ururka solidaritiga haweenka soomaaliyeed.
  • iyo marti sharafyo kale
  • saxaafada caalamka.

Gabagabadii shirka wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad ujeedooyinkii laga lahaana waa laga gaaray.

Kala soco wararka jubbaland www.jubbalanddf.net

 

Nagala soo xiriir info@jubbalanddf.net