|

Halgame c.nuur sooyaan.
Maxay tahay ujeedada ka dambeysa in maxbuus intii la jujuubo lagu qasbo inuu yidhaahdo wax loo yeedhiyay?
Waxaynu ka wada dharagsanahay guulaha ay soo hoyisay jwxo gudo iyo dibadba, waxaa kale oo aan ognahay in wayaanihii iyo gacan yarayaashiisii lagu qasbay in ay kasoo bixi waayaan dhufeysyadooda magaalooyinka waaweyn kuna sugayaan inta ciidamada qalabka sida ee ogaadeenya dalka oo dhan ka xoreynayaan.
suaasha kore jawaabteeda waxaa weeye in woyaanihii gacantiisii iyo awoodiisii uu ku wax yeelayn jiray soomaalida ogaadeenya ay cwxo soo afjareen, hadana waxa kaliya ee ay waxyeelayn karaan ay yihiin oo qudha shacabkii magaalooyinka waaweyn iyo maxaabiista jeelasha ugu jira, arintan ayaa waxay keentay in maxbuus sooyaan lagu qasbay in uu hadaladan loo yeedhiyay lagu qasbo.
Sida qof walba uu garankaro maxbuus waa maxbuus wuxuu ku hadlo ama sheegana dambi malaha waayo waxay u badan tahay in ay cabsi u gayso, waxaa kale oo aan shaki ku jirin in ujeedada wayaanaha ay ku jirto in uu kala shaki dhex dhigo naftood hurayaasha soomaalida ogaadenya iskuna kalsoonaan waayaan, taageerayaashana uu uga dhigo in xitaa madaxdoodu xunyihiin laakiin wuxuuse wayaanaha iyo gacan yarihiisuba hilmaameen in shacabka soomaalida ogaadeenya halgankan u yahay ama is xoree ama dhimo oo ayna dib dambe uga laabanaynin dariiqan toosan ee ay cagta saareen.
hanqadh@gmail.com
|