Siyaasada suuban ee halganka(2)

Su'aalaha ugu waawayn ee layska waydiiyo halgankeena
Waxaa ka dhexsocda shacabkeena doodo ku saabsan dhawr qodob oo lafdhabar u ah halgankeena, kuwaas oo ah:

1-kadib markay fashilantay fikradii "soomaaliwayn" oo soomaalidii inteedii badnayd noqdeen xabashi-u –adeegayaal, oo waliba qaar yidhaahdeen waan ka go'aynaa soomaaliya, oo intii soomaalinimada doonaysayna ay Itoobiya qabsatay, miyay wali sii soconkartaa fikrada gobanimo-doonnimadu?

2-hadiise horayba markii ay soomaali oo dhani oo macal dawladoodii wadata ay halganka u taagnaayeen, ay aduunka, iyo afrikaba inaga horyimaadeen, oon awoodikariwaynay inaan dunida ku qancino cadaaladnimada qadiyadeena iyo inuu shacabkeenu xaq u leeyahay in uu isagu aayo-ka tashigiisa go'aan kagaadho, Iyo hada-kadib oon rajo-badan lagaqabin inay dhalanayso dawlad soomaaliyeed oo sidii ugu istaagta xoraynta soomaalida la gumaysto, waa hadii dibba loo arko dawlad soomaaliyeed oo awood leh, iyo maadaama maanta dunida wadanka kaliya ee aduunka ku amarkutaagleeyaa uu gumaysiga itoobiya si aad u wayn garab u siinayo, islamarkaana uu shacabkeenii si aad u adag isukhilaafsanyahay oo qaarkood ka doorteen xornimo-doonkaba inay iska hoos-xaabaan cadawga, miyay wali suurto-gal tahay inaan xornimo u guntanaano?

3-hadii aan cadawgeena si'uun dhulkeena uga xorayno oon gacanta kudhigno dhamaan dalkeena miyaan helaynaa aqoonsi, mise sida woqooyi ayay baryadu inaga dhamaan-doontaa?
4-magaca dalkeena khilaafka ka taagan maxaa lagu xalinkaraa?
5-halganka aan wadnee ma xabad baan adeegsanaa mise siyaasad. Hadiise ay u egtahay inaynaan itoobiya xabad kaga adkaan Karin, miyayna dhicikarin inay xabadu inaga uun ina wiiqayso, si'aan khasaareheenana ku yarayno fursadahana kaga faa'iidaysankaro miyay jirtaa? Hadiise aan qoriga dhigno oy xabashidu shidaalka la soo baxdo oy dhaqaalaha xagiisa si fiican uga dhisanto miyuu jiraa rajo-danbe oo ah inaan ka xoroobi-karo, mise dhulkaba waxaa la soo dajin dad itoobiyaan ah oo la wareega?


Balwaxaan isku dayi inaan su'aalahan kajawaabo:
1- (a)horta marka u horaysa fikrada "soomaaliwayn" ma'ayna ahayn sababaha inagu xanbaarayay inaan xornimo-deena u halgano, ee waxaa inagu xanbaarayay inuu xoog inaqu qabsaday cadaw shisheeye oo aynaan isku diin, dhaqan iyo dad-toona ahayn.dulmiga iyo cadawnimada xad-dhaafka ah ee joogtada ah ee shacabkeena lagula dhaqmo. Cadawga oon inoo aaminsanayn inaan nahay dad itoobiyaan ah ee raba markuu jaanis helo inuu dhulkeena dadkiisa soo dajiyo inagana xuduuda inaga gubiyo, waana arinka aan waligii istaagin ilaa maalinkii uu XAYLE SILAASE xukunka qabsaday, waana mida ay hada tigraygu dhulkii soomaalida Oromo ku siiyeen.
(b) fikrada soomaaliwayn iyo siyaadii dawladihii soomaaliya ee halganka ku aadanayd sida dhabta ah waa mida sababta u ah in ay aduunyadu taageeraan xabashida oo inagu aan wayno wax inoo dabca. sidaa awgeed looma baahna dawlad soomaaliyeed oo caalamka ku tidhaahda dhulbaa igamaqan, ee waxaa loo baahanyahay mid halganka si qarsoodi ah u taageerta iyada oon dhul sheeganaynin.
(c) koofurta soomaaliya ee la qabsaday(anaga oo aad uga xun) waxay soo kordhisay inay markale umadii soomaaliyeed inbadan oo ka mid ahi qoriga xabashi kala hortagto oo la dagaalanto, in awooda cadawgu baaho iyo in xoogaga la dirirayaa bataan.

2-dhab ahaantii xornimo-deena calaam, midaw afrika iyo Maraykan-toona ka masugayno, kama helayno, cidinana cid xurnimo bilaash kuma siiso. Sikastaba ha'ujiro xaaladaha adag iyo yaraanta cid aynu isku-jeelnahay'e, balse waxay xornimadeenu ka imanaysaa, dhinacyadan:
(a) inaga oo ,aan isba khilaafsanaano'e, si'fiican u og inayna itoobiya waxba inoo ogolayn: itoobiya inaynu mu'waadiniin itoobiyaan ah nahay ma'aaminsana, waxaa ka go'an inay dhulkeena dad itoobiyaan ah soo dajiso markay fursad u hesho, itoobiya hoosteeda shacab naftiisa ixtiraamayaa kuma-noolaan karo. Waa wadan aan xuquul insaan wax la yidhaahdoba aan fahmi-karin.
(b) markii aynu diidno inaynu ka hadhno qadiyadeena, ooynu halganka joogto ka dhigno, waa hubaal inaynu xaqeena gaadhayno, hadii Ilaahay yidhaahdo.

3-arinta aqoonsiga: sida dhabta ah aad ayay u kala duwanyihiin Ogadenia iyo woqooyiga soomaaliya, maxaa yeelay woqooyi waa gobol horay u xoroobay laakiin doonaya inuu gooni uga go'o qaybtii kale ee dalka soomaaliya, halka Ogadenia uu yahay wadan aan waligii xoroobin oy dunidu sidaa u wada ogtahay, diiwaanada dunida oo dhanna ugu qorantay inuu yahay gobol aan wali arintiisa la xalinin, maababka aduunka markaad eegto Itoobiya iyo Ogadeina isku si' ayay kuugu soo baxayaan, bal waxaad fiirisaa markaad dayaarad ku dulmarayso geeska afrika. Markaa citiraaf walbahaar badani kamataagnee, wuxuu walalku ka jooga sidii looga xoraynlahaa cadawga!!!

4-arinta ku saabsan magaca, runtu waxay tahay in uu mgacan uu wadanku ku caanbaxayi dhibaato aad u wayn u soo jiidhay beesha ogaadeenka, oo in ay hesho meel ay uga baxdo ay dan aad u wayn u noqonlahayd!! waxaa kale oo xaqiiqo ah in magacani uu yahay magaca aduunka looga yaqaano gobolka oo markaan inagu soomaaligalbeed sheeganay xataa aduunku uu dhulkan Ogadenia ugu yeedhayay, waxaa run ah iyaduna hadii inaga oon xoroobin aan magacan ka guuro in ay taasi kadhigantahay inaan dhulkii dhibaatadu ka taagnayd sumad doorinay, tusaale haday hashaadii kaa lunto ood ku raadiso sumadeedii mid aan ahayn, saw adugu uma aadan qasdin inaadan helin? Dhinaca kale waxay taaganyihiin qaar shacabkeena kamid ahi, marnaba ma ogolin magacan waxkastaba ha ku xidhnaadee, iyaga oon habayaraatee wax xujo cilmi ah aan keenaynin. Waxaa dhinac 3aad soo baxday inay xabashidu si fiican u ciyaartay caarka magaca, oo markii aan Soomaaligalbeed ku halganay, waxay ku dhagtay Ogaden si'ay dunida ugu muujiso in ay soomaaliya damac-wado iyada oo dhulkii itoobiya ee ahaa Ogaden ku magacawday inuu yahay galbeedka soomaaliya, markii hada Ogadenia lagu hawlgalayna waxay tidhi mayee dhulka soomaalida itoobiya ayaa layidhaahdaa waana si'ay u kasbato qabaa'ilka diidan magaca Ogadenia. Markaa waxaa lagama maarmaan ah inaan cadawgeena la dhiil-garayno oon iska ilawno caadifada qabiilka iyo waxan waa diidayda dhibkayar. Waxaanan u arkaa inaan xalinkaro arintan hadii ay wax inaga dhabyihiin, dhinacwalibana waa inuu danta qadiyada u soo tanaasulo oo uu kayimaado rabitaankiisa, waxaan u arkaa inay tahay sida ugu fiican ee arinta magaca lagu xalin karo:
In ladiyaariyo magac-qaran oo dhamaan umadu raali kawada-tahay, kadibna labada magac ay noqdaan kuwo dalkeena loo isticmaalo iyagoo ah" X/Y" ama"X(Y)". in magaca laysla ogolyahay loo isticmaalo gudaha , labada magac oo wada socdana loo isticmaalo dibada.laguna heshiiyo in markii aan xorawno uu yahay magaca dalku kan heshiiska laguyahay.
5-halgan hubaysan mise mid siyaasadeed:markaad aad u eegto duruuftaha wadankeena, shacabkeena iyo cadawgeena, waxaad moodaa inuu xalku yahay in laysku dhexwado halganka xabada, oo ka duulaya in inaga oo ciidan hubaysan leh wixii isbadal ah ee imani ha'yimaado, shidaalka yaan laga faa'iidaysanin inaga oon xaqeena la ogolaanin iyo yaan nabad lahelin si aan dhulkeena xabashi iyo dadkale oo itoobiyaan ah loo soo dajinin, laakiin inaga oo khasaareheena aad u yaraynayna. Iyo dhinaca kale oo ah halganka siyaasadu ha ahaadu midka dhabta ah een xooga saarayno.

Qodobo dhawr ah oo waxaa jira inoo muujinaya in ayna fogay xornimadeenu, kuwaas oy ka midyihiin:
1-inta badan qoomiyadaha itoobiya waxay diyaar u yihiin inay xoroobaan:
waxay dhamaan isku-raaceen khubarada arimaha geeska afrika indho-indhaysaa inay itoobiya burburi-doonto, taas oy ugu wacaytahay maadaama qoomiyadaha intooda badani ay aaminsanyihiin inay ka hoos baxaan xukunka Axmaarada iyo tigreega. Markaa dhab ahaan waxaa loobaahanyahay inaan inaguna guntiga dhiisha iskaga dhigno, dhaqangalinana fikrada ah: itoobiya waa "75"malyan, axmaaro iyo tigree waa "15"malyan oo ku amar-kutaaglaynaysa shacabka intiisa kale oo ah"60"malyan, markaa arinka ina horyaala inaga iyo dhamaan shucuubta itoobiya ku hoosdulman waa "sideen 60 malyan ee dulmana-yaasha ah uga horgaynaa 15 malyan ee daalimka ah.

2- shidaalkeena iyo khayraadka wadankeenu waxaa dhici-karta inuu soo jiito quwadaha waawayn, markii inaga la aanteen laga faa'iidaysan-kariwaayo.

3-umadii soomaaliyeed maadaama uu dhibkii gumaysigu wada gaadhay, qorina la wadaqaaday, culays ayaa cadawga ku soo kordhay, inshaa Alaahu wuuna jabi.
4-waxaa dhicikarta in geeska afrika xuduudihiisa wax laga badalo, oo ama dalal laysku-daro ama qaar la kala-gooyo. Laakiin xiliga wax-isbadalayaan hadaadan jiritaan –lahayn tareenku wuu ku dhaafi.
5- waxaa jirta nadariyad cilmiyeed odhanaysa"wax haduu dhamaystirmo, waxaa bilawda nusqaantiisa", sidaa awgeed itoobiya waxay gaadhay meeshii u saraysay, hada kadibna wixii laga filaaba waa inay dib u ururto, ilaa ay ku noqoto xuduudeedii intii ka horaysay badhtamihii qarnigii 19aad.

Qore" Siyaad hereri
Email:saabir95@hotmail.com

Hanqadh