|
Muuqaalka Kooxdii fadhi xun .

Sawirkan bal u fiiro, side ayuu kuula muuqdaa?ma dad fayoow oo wax fiican rabay u egyihiin mise dibjiro jawaasiis iyo niman qaadku ka dhamaaday oo safaraadada itoobiya shirinayso? bal u sii fiirso nin nin fiirinaya kuma jiro, mid waqooyi ayuu eegayaa,midna galbeed, mid gafuurkuu haystaa, midna wuu maahsan yahay oo yaaban yahay waxa dhagahiisa ku soo dhacay.

Tolow muxuu ku khudbaynayaa? waxaan u malayn in miskiinkaan wayaanaha dabadhilifka u ah in uu akhrinayo qoute: waa inaan nabada ka shaqaynaa, itoobiya waa nabad iyo diimiqraadi, dhulkeenana aan dhisanaa.
khudbadan uu akhrinayo waxay fasiraadeeda noqon sidan: aynu gumeysiga isu dhiibno, si aan ugu noolaano xero qaxooti cimrigeen, dhulkeenana aan siino tigreega, gabdhihiina wiilka tigreega ah siiya shuruud la.aan, anigana ileen awalba dibjir ayaan ahaayee waxaan heli wax aan cuno.
Isagoo hadalka sii wata wuxuu leeyahay waligiin ha midoobina, gunimada iyo gumeysiga ogolaada, cimrigiin intaad nooshihiina silacaas ku jira.
  
  
Dabadhilfyadan meeshan isugu soo uruuray si ay shacabka xornimadoonka ah ee soomaalida ogaadeenya u hoosaasiyaan ayaa waxay isugu jiraan.
a)jawaasiis tigreeega toos ugu xiran
b)dad cuqdadeysan oo u mooda in jwxo ay tahay jabhad qabiilka ogaadeenka leeyahay sidaa darteed qor walba oo neceb waxay isku dayayaan in ay u camiraan shirka iyakoo u arka in qabiilka ogaadeenya ay wax u dhimayaan xaqiiqduse tahay in naftiisa iyo qadiyadiisa wax u dhimayo.
c) guruubka sadaxaad ee shirka muu dhamaado leh waa kuwo calooshood u shaqaystayaal ah oo safarada itoobiya qaadka iyo balan qaad been ah ku maamusho.
U jeedka wajiya xuntani meesha isugu keenay waa in ay ku raali galiyaan gumeysiga tigreega soomaalida ogaadeenyana ay ka mashquuliyaan dariiqa xornimodoon.
calanka ogaadeenya ee xataa darbiga ugu tolan wuu karkaran yahay waayo waa calan aan jacayl loo keenin ee hoosaasin iyo in gumeysiga gacan lagu siiyo meesha loo keenay.
soomaalida ogaadeenyaay fariimaha fadhi xunta garo u diyaar garow soona dadaji sidii dambiilayaasha maxkamada shacabka loo horkeeni lahaa dambiga iyo ka hiilinta ay dalka iyo dadka ogaadeenya darteed.
hanqadh@gmail.com
|