Waasidee Xaalada Jubooyinka Dagaaladii kadib? ilo kala duwan oo u warantay webka www.hanqadh.com ayaa u xaqiijiyay in degaanka jubooyinka xaaladiisu tahay mid aan ka fursanaynin mid dagaalo badan oo dhiig ku daato ka dhacaan, hadii xarakada alshabaab ayna si dhakhso leh miiska wadahadalka isaga xaadirin, awooda maamulka jubooyinkana ayna ku wareejin  dadka degaanka.

Hada waa sidee degaanadii dirirtii ugu dambeysay?

Sida aan ilo wargaleen ah kasoo xiganay magaalada waxaa gacanta ku haya kooxda alshabab oo aan wax taageero ah ku dhexlahayn dadka degaanka, ciidankii magaalada ka baxay ayaa wuxuu degan yahay meel aan dhoobley sidaas uga dheereyn oo u muuqata, xarakada alshabab ayaa xoojin aan sidaas usii badnayn ka heshay kismaayo iyo buaale, waxaana jira muran aad u xoogan oo dhexmaray hogaanka sare ee alshabab sidii ay ka yeeli lahaayeen kacdoonka shacabka ee jubooyinka.

Ilo wargaleen ah ayaa u xaqiijiyay wariyeyaasha hanqadh.com ee jubooyinka in hogaanka sare ee alshabaab yiri isaga soo baxa dhoobleey hadii aydaan shacab garab ah haysan ama sameysan karin.

Dhinaca kale cadhada iyo cududa ciidanka degaanka jubooyinka ayaa maalinba maalinka kasii dambeeysa soo kordhaysaa, iyakoo muujiyay xeel dheeridooda dagaaleed sidii fududeyd ee alshabab ay dagaalkii gaabnaa ee dhooblay uga dhigeen mid dhumay iyo mid dhintay halkaasna ay kaga furteen saanad milatari oo aad u badan.

Ciidanka degaanka oo aan garabkii larabay ka helaynin ganacsatada iyo qurbajoogta jubooyinka waxaa aan shaki lahayn in hadii garabyar ama taakulo ay helaan shabaab beryo kusii nagaateen jubooyinka, waxa ay shabaab ku joogtaana tahay dhinacyadaas oo aan waajibkoodii kasoo baxaynin.

Ilaa iyo hada alshabab maxay sameysay intay dhoobleykusoo noqotay?

Waxaa ay guryahoodii ka qaxisay kumaan qoys kadib markii alshabab dumar badan ku xidhxidhay eedaymo aan sal lahayn ama aan laysku xidhi karin sida waad mashxaraday oo kale i.w.m.

Shabakada www.hanqadh.com waxay indhaha ku haysaa dhacdooyinka jubooyinka waxayna hadii alle idmo idiin soo gudbin mar walba wixii kasoo kodha.

daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha daraasaadka soomaalida

 

hanqadh@gmail.com