|
Faahfaahintii Shirkii Guusha ku dhamaaday ee Gaarisa.

Shirkii Magaalada Garisa Ee Caasimada G/w bari Wadanka Kenya oo noqday shir aan Horey Noociisa oo kale ooga dhicin wadanka Kenya.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha QurboJoogta Jubbooyinka isla markaana Ay Fulinayeen Ururka Midnimada Haweenka soomaalida Iyo Wakiilo Golaha Qurbojoogta jubooyinka ee bariga afrika Wuxuu ku furmay Jawi aan la filayn marka la fiiriyo Misaanka dadka shirka ka soo qayb galay oo aad u badan iyo waliba Suldaamo,Odayaal iyo Wax garada Muhiim ah oo goobta Fadhiyey.
A ayadihii Quraanka kadiba Waxaa shirka Furey Suldaan Cabdi Cali sonkor Wax uuna yidhi suldaanku waa markii Koowaad ee intii aan wadankan Joogay uu shir noocaan ah oo kale ah noo dhaco Waan ku Faraxsanhay Qaban qabada golaha Qurbojoogta Jubbooyinka iyo Ururarada Haweenka ee Hawlana noo wada Shirkiina wuu inoo Furanyahay, Waxaa hadalay Xaliimo Farah Godane oo soo jeedisay qudbada dheer waxayn ka hadashay Ujeedada Golaha Qubojoogta Jubbooyinku u qabteen shirkan.
Markii ay arkeen baahid loo qabo Midaynta dadka u dhashay deegaanada jubbooyinka, markii aan aragnay hawlaha badan ee socoda kuwaas oo ay wadaaan dadkii u dhashay Deegaanka Ee Ku nool wadamada Dibada, Waxaan Go aansaney in aan gaadhsiino Waxgardaka iyo Suldaamada Fariinta dadka oo ah baahida iyo Jeceylka ay u qabaan Midnimada iyo Wax wada qabsiga ayna ka gudbeen wax walba oo shaki galin lahaa, markii ay hadalkii dhamaysay Xaliimo ayaa ,mar kaliya waxaa ka yeeray hoolkii Sacab iyo marxabayn ay ka muuqato faxad.
Sheekh Khaliif Guure Gudoomiyha Golaha Guurtida Jubbooyinka iyo Gedo Ayaa ka mid ahaa dadkii shirka ka hadlay, Waxuuna kasoo qaybgalayaashii siiyey warbixin Xaaladihii oogu danbeyey iyo hawlihii Golahoodu ay qabteen Waxuuna sheegay Sh Khaliif in Gudigoodu soo marey xiliyo kala duwan xaga wax qabadaka, mantase ay taaganyihiin heer Gobolka oo dhan Ay dadkoodii kuwada jiran Golaha guurtida jubooyinka iyo gedo.
S heekhu wax uu intas ku darey in ay ku gudo jiraan dhismaha Maamul Gobaleed Jubboland ay yeelato kuna dhawaaaqi doonaan Mar dhaw, sheekha Waxuu ooga mahadceiyey odayaasha iyo guud ahaan waxgaradka Jubbooyinka sida ay mar walba oola garabtaaganyihiin Taageerada golahooda.
Waxaa Khadka telefonka soo galay Prof Maxamed Cabdi Gaandi mar kaliya waxaa is badalay jawigii shirka taas oo dadka shirka Fadhiyey ooga dhigneyed in Prof ku uu Shirka Joogo, Waxuuna warbixin ka siiyey marxalada Arimaha siyaasada Deegaanada Jubbooyinka iyo in meel wanaagsan ay marayso Hawlaha uu Prof ku maqnaa.
Odaaysha ayaan wax su aal ah waydiinin waxayna aad oogu farxeen hawsha balaaran ee uu dhabarka u ritay Waxayna mar kaliya bixiyeen jawaabo ay ka mid ahaayeen Waanu ku garabtaaganahay hawsha aad noowado Waana midi aan kuu dirsaney Waxaan waajib nagu ah in wax walba oo manta naga saari kara dhibaatada Caruuurtii iyo Dumarkii aan kaga nimda Deegaankii haysata aan Kugu garab istaagno Waana balan Waxaa hadalay Odayaasha iyo Wax garadka goobta Fadiyey oo ay ka mid ahaayeen
Suldaan CAbdi Cali Sonkor Axmed Mahadi Qorane Dhajir MAxamuud Hire
Intaas kadib waxaa soo Galay khadka telefoonka Gudoomiyha Golaha Qurbbojoogta Jubbooyinka Mudane Abdi Axmed Markii uu yidhi Waxaa ahay Cabdi Axmed Macalin ka ahaan jirey Magaalada Afmadaw dhamaan Waxaa dhoola cadeyey Odayaasah sida wanaagsan ee ay u garteen Cabdi qofka uu yahay Wax uuna umahadceliyey dadkii Fadhiyey shirka gaar ahaan Suldaanka Iyo Wax garadka Mudane Abdi wax uu warbixnka siiyey dadaalka ay ka wadaan Golaha Qurbbojoogta Jubbooyinka wadmada dibada iyo Wadatashiyada ay ka wadaan dhamaan ururada bulshada iyo sida ayn ooga Go antahay in dadka Wax la taro xaga Hormarinta Deegaanka, la ilaaliyo Midnimada dadka isla markaan Cabdi wax uu sheegay in ay ku dhisayihiin Golaha Rabitaanka iyo Kalsoonida dadkooda manta ay aad oogu farxsanyihiin kulanka qabsoomidiisa waan Guul u soo hooytay Dadka Deegaanada jubbooyinka oo mudo ay ka maqaneyed midnimada iyo isku tashigan manta y helaan
Waxaa sidoo kale Khadka tlka shirka uga qaybgalay Xoghayaha Xidhiidhka Caalmiga ah ee golaha qurbajoogta jubooyinka Mudane Xasan, Salan kadiba waxuu hasan oogu hanbalyeey Sida wanaagan ee xidhiidhka Golaha iyo Waxgaradka iyo Odaayaasha deegaanada Jubbooyinka uu usii wanaagsanaanayo maalinba maalinta ka danbaysa
Shika oo dib la isugu soo noqoday Xiligii Salaada Iyo qadada kadib, Waxaa hadal kooban shirka ka jeediyay Madax Gudiga Nabad galiyada Dagmada Garisa Cismaan Afmaroor Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, Waxaan aad iyo aad oola yaabay xiliga shirka loo sheegay Xafiiskiisa isla markaan a ogolaansho aan siiney In uu aah xili kooban Waxaad moodaa in taas ay tilmaamayso sida ay oga Go antahay dadka dagan Gobalka waqooyi bari kenay in ay Gacamo furan ku soo dhaweeyaan dadka U dhashay Jubbooyinka oo walaaltinimo iyo daris waangsan ay ka dhaxayso, diyaarna ay u yihiin xiliwalba in ay u fidiyaan go gosha ay kaga tashanayaan Mustqabalkooda.
Cismaan Wax uu ka hadalay in dadka ku nool Jubbooyinka ay yihiin dad ay haysto dhibaatooyin Colaadeed aadna ay ooga danqanayaan waxaanse leeyahay wax walba Waxaa lagu gaaraa midnimo.
Guud ahaan shirka oo Jawi wanaagsan ku dhamaaday Waxaa xidhay Suldaan Cabdi cali Sonkor Waxuuna suldaanku u dar daarmay Bushlada Jubbooyinka in ay ilaaliyaan midnimada iyo waliba xiliga hada lagu jiro in ay Taageeraan Barnaamijka uu wado Prof Gaandi oo ah Shaqo uu oogu maqanyahay dadka deegaanka
Waxaan hadii ilaahay yiraahdo idiin soo gudbin doonaa faahfaahintii ugu dambeysay ee shirkii garisa.
mustaqbalka dhow.
La soco jubbalanddf.net
xigasho:jubbalanddf.net
hanqadh@gmail.com |