Gobolka Shabelle oo kacdoon xornimodoon ka socdo. 

Wararka naga soo gaadhaya caasimada gobolka shabeele ee godey ayaa sheegaya in kacdoon xornimadoon oon noociisa horey loo arag uu ka socdo gobolka shabeele ee caasimadiisu tahay godey,kacdoonkan ayaa argagax iyo filan waa ku noqday woyaanaha iyo dabaqoodhiga oon marna filanaynin in  dadka gobolku si baaxadaas leh ay halmar ugu biiraan ciidamada qalabka sida ee ogaadeenya.

Bil ka hor umbay ahayd kolkii kacdoon kan shabeele oo kale uu ka dhacay gobolada afdheer iyo liibaan,waxayna kacdoonadan shacbiga ah ee ayna marna suurtagalka ahayn ilaahay amarkii mooyee in woyaanuhu uu ka guulaysto ay soo dedejin doonaan isbedel ka dhaca wadanka ogaadeenya.

Kacdoonka shabeele kolkuu dhacay waayaanahu waxuu isugu yeeray dhamaan duqeydii gobolka oo uu ku yidhi in ay caruurtooda ka soo celiyaan jabhada hase ahaatee waxay duqeyda gobolku si cad oon cabsi lahayn ugu sheegeen in ay yihiin shacab caruurtoodana ayna iyaku jabhada gala ku dhihin sidaa darteed dawlada wayaanuhu ay sidii ay dooni yeelaan.

Ciidanka woyaanaha oo waayadii hore hadalo sidaa u cad cad aan soomaalida ogaadeenya uga baran eegase ay u cadaatay in cid dan iyo heelo kaleh cagajuglayntiisa aysan jirin ayaa xabsiga u taxaabay odey dhaqameedyo aad u badan.

ilaahay haduu yiraado waxaan isku dayi doonaa in aan idiin soo gudbino waxa kasoo kordha kacdoonka ka socda dhamaan ciida ogaadeenya.

 

hanqadh@hanqadh.com