|
Xaajo Iyo Haleelo Maxaa Kala haysta.

Shabakada www.haleelo.com ayaa in mudo ahba waxay ku eedeyn jirtay ninka qora xaajo.com inuu yahay nin itoobiya u shaqeeya oo aad u neceb xoriyada iyo wanaaga soomaaliyda ogaadeenya isaga oo aad wax uga sheegi jiray halganka ay onlf hormuudka ka tahay iskuna dhabar jabin jiray in reer ogaadeenya uu iska horkeeno si itoobiya u guulaysato.
Waxaa dhacday in ay soo baxday shabakad aad ula socotay waxa xaajo lagu qoro iyo webebka dabaqoodhiga, dad badan oo soomaalida ogaadeenya ah ayaa ku wareeray cida leh ama qorta shabakada www.haleelo.com xataa anigaygan maqaalkan qoraya ayaa laygu eedeeyay inaan qoro arintaas oo aan runtii aad ugu qoslay igana yaabisay markaan arkay sida ay xaajo.com uga argagaxday shabakadan la socota waxa xaajo ka shaqeeyso.
Eedeymihii haleelo ma ahayn wax soomaalida ogaadeenya rumeystaan ilaa ay sawirkan kore soo daabacday shabakada www.haleelo.com arintaas oo soomaalida ogaadeenya ee webabka akhrista yaab iyo qaadan waa ku noqotay una kala cadaysay sababta xaajo xornimadoonka wax uga sheegi jirtay runa ka dhigtay eedeymihii ay haleelo.com ku eedeyn jirtay qoraha webka xaajo.com
Daljir999@hotmail.com arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com
|