|

Waa Sidee Xaalka Dhoobley Dagaalkii Kadib? jabkii balaarnaa ee shacabka jubooyinku u gaysteen xarakada alshabaab wuxuu soo dedejiyay in kooxdii indhaha cirka u dhisaysaay jihaadka beenta ahna ku banaysatay dhiiga shacabka muslimka ah ee soomaaliyeed. in ay xaqiiqsato in ilaahay la jirin, guul inay gaadhaana ka dheertahay hadii ayna wada hadal inuu soomaalida dhex maro aqbalin rabina u toobad keenina ay mudan doonaan ciqaab iyo ugaadhsi dhamaan laga wada sheekeeyo.
Sidaan horey idiinka balan qaadnayba ilo muhiim ah oo kala duwan isuguna jira dhalinta difaaca shacabka jubooyinka,xubno xarakada alshabab ah, iyo dadweynaha caadiga ahba waxay noo xaqiijiyeen in ciidanka alshabab jabkii dhoobley kadib wax weyn iska badalay tusaale:
1. waxay xaqiiqsadeen in alshabab la jabiyo ay tahay wax aan shaki ku jirin sida loo wada ogyahay in maalinta kadib habeen iman.
2. waxay joojiyeen tacadiyadii iyo hanjabaadihii ay ku hayeen shacabka degaanka iyagoo badalkeeda bilaabay hadal macaan iyo shacabku wuu fiican yahay, waad naqariseen markii nala jabiyay i.w.m.
3. waxay joojiyeen gabi ahaanba ugaadhsigii ay ku hayeen goobaha difaacayaasha degaanka lagu sheego, halmar oo ay magaalada ka baxeena qolyo reer guuraa ah markii ay dhaheen dhalintii degaankaa joogta meel halkan ah cararkii ay carareen laba baabuur ayaa alshaab shil isku galay halkaas oo 10 askari kaga dhaawacantay in ay dhinteen iyo inkalana aan laga warqabin hada.
Iskusoo duuduuboo alshabab waxay hawadaas marto oo maalinba dhiig islaam daadiso melez iyo kooxaha sirdoonka caalamiga ee soomaaliya in laqabsado rabana ay khidada usoo dejiyaan, maanta barnaamijkaas wuxuu kusoo gabagaboobayaa si dhakhso ah oo aan waliba horey loo saadaalin.
shabakada hanqadh waxay isha ku haysaa waxa ka dhacaya jubooyinka anagoo inshaa allah tilaabo tilaabo idiinla soo socodsiin doona.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com
|