|
Dhalinta: Xarigjiidkii Xoriyada Ogaadeenya

Raadinta xornimo buuxda oo soomaalida ogaadeenya ayaa waxay noqotay mid lama huraan ah, kadib markii adoonsi,cadaadis iyo bahdil soomaalida ogaadeenya ka bixi weyday, dareenkan ayaa sii laba laxaadsaday markii soomaalida ogaadeenya heshay hogaamin toosan iyo jabhad daacad u ah sidii dalka iyo dadka loo xoreyn lahaa, waxaa daafaha aduunka isqabsaday dareenkii xoriyadeed ee soomaalida ogaadeenya meel ay joogtaba, ogaadeenya waxay noqotay ummad iyaka oo aan xornimo helin hadana caalamku uu garwaaqsaday in ay yihiin ummad mudan in la dhagaysto waxa ay rabaan.
 Waxaa biloday kacdoon dhalinta soomaalida ogaadeenya waxaase kacdoonkan gobanimo doon iyo kuwii ka horeeyay ku kala duwan yihiin in doorka ay gabdhaha ogaadeenya kaga jiraan halganka ay hormuudka u tahay jwxo ,halganka ay onlf hormuudka u tahay waxaa tiir u ah gudo iyo dibadba gabdhaha soomaalida ogaadeenya oo hadaad u sii fiirsato meel walba aad is odhan wiilasha way uga horeeyaan, arintaas oo daliil u ah in ogaadeenya xoriyadeeda aan loo kala hadhin laguna tartamayo qofwalba iyo meeshii uu ka gali lahaa.
Dadaalka ay wiilasha/gabdhaha ogaadeenya galinayaan xoreynta dalkooda iyo dadkooda ayaa ah mid isku dheeli tiran oo hadii ay sidaas kusii wadaan soo dadajin doonta ogaadeenya xor ah.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com
|