|

Kooxda Al-shabaab oo Xasuuq Ba,an ka wada Jubooyinka. malayshiyada kooxda alshabaab ayaa ka bilaabay degaanka jubooyinka in ay xasuuqaan dadka shacabka si ayna dadka ay dirirta ka dhaxeyso u helin wax taageera.
Maalinkey taariikhdu ku beegnayd 26.02.2010 ayay malayshiyada alshabab magaalada diif tageen igoo rasaas hawada u ridaya, magaalada markaas wax ciidan ah majoogin dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa mooyee, xarakada alshabaab ayaa biloowday in dhamaan dadki magaalada ay meel isugu keento iyaka oo ciroole iyo caruurba uleynaya qoriga dabadiisana la dhacaya, waxay meel isugu keeneen dhamaan dadkii magaalada deganaa caruur iyo ciroolaba saacadu markay ku aadanay 10:00 aroornimo ilaa iyo 18:00 makhribnimo ayay dadka hanjabaad iyo garaac ku jireen.
Malayshiyada alshabaab ayaa intii ay magaalada joogeen waxay boobeen wixii hanti taalay magaalada waxayna qafaasheen 9 qof oo rayid ah shacabkii magaaladana ah, subixii ku xigay ee 27.02.2010 waxay alshabab soo dhigeen meydka 3 qof oo rayid ah oo magaalada laga yaqaanay oo ay labana xabad ku dileen midka kalana sida xoolihii bireeyeen.
Malayshiyada alshabaab ayaa mudo maalin uun laga joogo sadex muwaadin ka qafaashay magaalada dhoobley, kadibna labana intey garaaceen markii dambe soo daayeen ka sadexaadna intay gowraceen maydkiisa magaalada soo dhigeen.
Arimahan ayaa dhamaan argagax ku riday bulshadii nabada ku nooleyd ee degmada diif & dhoobley, malayshiyada shabaab ee falalkan waxashnimada ah geysanaya ayaa la sheegay in ay yihiin dad aano qabiil iyo nacayb ay dadka jubooyinka u qabaan uu falkan ku qaadayo.
Ayaan darida ugu weyn ee shacabka jubooyinka haysta ayaa waxay tahay in shacabkii dhulkoodii la qabsadey dal iyo dibad ayna isu abaabulin sidii la rabay si dadka la xasuuuqayo loo samatabixiyo, wiilsha dhiigooda u huraya difaaca dalkooda iyo dadkoodana ayna cidi warqabin iyaka la,aantooda maanta degaanka ay dad kale la wareegi lahaayeen.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com |