|
Dhambaal: Ka yimid Yaasiin Wiilwaalkii Abaaqoroow.
 
Shabakada hanqadh waxaa soo gaartay fariintan dhambaalka ah oo aan ka helay yaasiin jire abaaqoroow isaga oo raba in uu fikirkiisa ka dhiibto halganka xaqa ah ee soomaalida ogaadeenya iyo beesha absame, yaasiin wuxuu ku bilaabay:
Baaq ku socda shacabka reer Ogadenia ee kunool qurbaha gaar ahaan Europe, America iyo South Africa.
Aniga oo ah siyaasi u dhashay waddanka reer Ogadenia, oo in muddo badan ahaa dabaqoodhi aad u taageera ulana jira, kaligii taliye dhiigyacab meles Zenawi, waxaan shacabkayga rabaa inaan u sheego gumaysiga itoobiya inuusan kala jeclayn Somali meeshay doonaan hakasoo jeedaan e, walaalayaal aqoon badan ayyaad ii leedihiin inaan issu kiin kii sharraxo uma baahni.
Walaalayaal maahmaah yar baan idiin sheegayaa, nin ayyaa isha laga qalahayyay, ninkiibaa isha biriq biriq ka siiyay, markaasaa la yidhi war waa maxay ishaad biriq biriqda ka siin, war jooji baa la yidhi isha aad biriq biriq ka siinayso, markaasuu yidhi war isha birta iyyadaa aragta, marka anigu ishaydaa ii macallin ah, itoobiya ishaydaan kusoo arkay.
Walaalayaal itoobiya waxaan kusoo arkay waxaan rabaa iyyadoo cod ah inaan soo galiyo websiteyada iyo tv yada, laakiin halkan waxaan rabaa inaan baaq kaliya idiinkasoo diro, dadka baryahan aadka u dhawaaqahayya, ee ku hayya jaaliyadda soomaalida itoobiya ee meel hebla, waxaan idinkula talin hayyaa anaa idiinkasoo horeeyay oo sameeyay jaaliyaddii ugu horraysay ee soomaalida itoobiya, wax horumar ahna ku gaadhi waayay, waxaan inkaar ka ahayn iyo dib u dhac.
Wax kale iska daaye xittaa aniga iyo websitekayga abaaqaroow kaliya marka haayaa giimbood lagaadho waan u dabaaldagi jirnay, meesha aan dabaqoodhinimo ka gaadhayna Cabdi ileey iyo Daauud amxaar kama ayn gaadhin, maanta waxa igu kallifay in aan halganka aan kor u qaado oon dib ugusoo noqdo shacabkayga waxaa igu kallifay, ruuxa xun ee imaan laawaha ah, lacagta itoobiyo ay laalaadinayso ayyuu u hanqal taagaa, illaa laxidhana masoo noqdo, ninka wadaniga ahna cad quudhsi ma qaato.
Marka alxamdulillaah aniga waxaan ka dhashay reer Onlf asalkoodoo dhan yahay, oo halgamaa ah, culimana ah, Allaah ha u naxariisto waxaa kujiray golaha dhexe ee Onlf walaalkay Moxamed Cabdi Jire, cajaladihiisiina waxaan idiinsoo galin doonaa iyyaggoo maqal iyo muuqaal ah webka abaaqaroow, labadii nin ee oogu horeeyay ee magaca Ogaadeenya loo xidhay min wuxuu ahaa reer qoraxay oo Cali dheere la dhihi jiray, ka kalana waa walaalkay oo da dii iga waynaa ah, Baaruud Cabdi Jire oo kunool Finland, labadoodana saraakiishii Waqooyi bay ahaayeen, xabsiga Jijiga waxaa kusoo booqday nin joornaaliste caddaan ah oo ku yidhi maka tanaasuli kartaan eraygan Ogadenia, ooy diideen.
Marka waxaan ka dhashay reer Onlf ah oo wadani ah, wadaninimadana waa loo dhashaa e la iskama dhigi karo. marka maanta, waxaan diyaar u ahay inaan naftayda maalkayga dhiigayga, aqligayga, maskaxdayda iyo xoogaygaba u huro ONLF, oon ku taageero, oon ku garab taagnahay taageero hiil iyo hooba, waxaana rabaa shacabkayga hortiisa, illeen aniga ninwayn baan ahay e nin dhallinyar oo iska ordahayya ma ihiye aan shirka Stockholm ka dhicidoona hortiisa dadkayga kitaabka ugu maro, si aan isu aaminno ooy iila shaqeeyaan, ama waad go aysaan reer Ogadenia ama waad xoroobaysaan. Markii nasrigii soo dhawaaday ineey iyagoo niman waaweeyn ah ethopia isku dhiibaan waa wax Aad looga xumaado ,waxaan kaloo idiin sheegayaa ogadenia in la kala furfuro USA ayaa waxeey ku bixisay 2 bilyan oo dollar, waxaana lacagtaas la siiyay dowlada ethopia inay china ka soo saarto Dhulka ogadenia, lacagtii ayuu meles zanawi u isticmaalay inuu ogadenia ku kala furfuro halganka ogadenia ka socda. Taas markaan ka soo gudubno oon u soo noqono wiilasha yar yar ee halganka ku jiro In maanta niyadda Laga dilo lacagtaas meles zenewi uu qeeybinayo loo kala dhuunto waxaan u dulqaadanayno ma aha, Adeer wiilasha 20ka sano soo dagaalamayay waxay u baahanyahiin in hiil iyo hoo lala garab istaago ,Marka waxaan u arkaa nimanka maanta ku hayo jaaliyadda somalida itobia kuwa meelaha kaga Dhawaaqayo in sidii aan bari iimaanka u la aa ay hada iyaga iimaanka u la yahiin, xaqana ilaah ha tuso waxaana ugu ducaynayaa sidii ilaah xaqa ii tusay iyagana u tuso .
Tan kale waxaan idiinka digayaa sidii ururka spm loo burburiyay ka dib markii la iska horkeenay Axmed Cumar jees iyo allaha u naxariistee Aadan gabyoow in aan sidaas oo kale la idiin isticmaalin waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo maahmaah ku socoto beesha absame iyo adeerkood Baryahan waxaa dhagahayga ku soo dhacayhayay beesha absame iyo adeerkood oo taageeray onlf, Iyo ururka alitixaadka oo ethopia isu dhiibay iyagoo leh waxaan taageeraynaa inaan la heshiino itobia, maahmaah waxaa jirto ah nin baa waxaa la dhashay nin xun markaas ayuu yiri aduunka waxaa Ugu nasiib daran aniga iyo janno ,janana waxaa la dhashay oo daris la ah cadaab anigana waxaa ila dhashay hebel oo aad u xumaa, hada waxaa ugu nasiib daran beesha ogaden waxaa la dhashay Gilimays jidwaaq baalcad wayteen waxaan maahmaahdaas ku keenay markii dadka walaalaheen Isku dhacaan baa kii xun daba orodnaa oo dhahnaa waxaan soo dhawaynaynaa ururka nabada qaatay War urur nabad qaatay ma arkee waxaan arkaa qolo yar oo al itixaad ah oo nafta meel eey la galaan waayeen oo isku dhiibay cadawga ilaahay iyo cadawga umada ogadenia iyo somaliwaynba Waxaa inoo ballan ah halgan iyo israac maanta xornimo maalin ay inooga dhawdahay ma arko aniga, Waxaana aad u taageersanahay waraysigii habeen dhawayd uu hogaamiyaha ogadenia siiyay, Somali Chanell halyeey maxamed cumar cismaan ilaahay ha siiyee cimri dheer iyo caafimaad waara, Waxaana halkan mahad aan la soo koobi karin ugu dirayaa jaaliyada reer ogaadenya ee qadar, Kuwaasoo khadka telka ku wada galnay shir taageero ah oo aniga ay igu taageerayaan, Kaasoo aan ku dardaaranay guul iyo gobanimo waxaan ku soo gabagabaynayaa shalay iyo maanta, Waxaan qaldanaa shalay ma gafe waa ilaahay halkaan waxaan uga hambalyaynayaa websiteka hanqadh, waxaa kaloon hambalyo u dirahayyaa ururka dhalinyarada ee Göteborg caasimadda labaad ee Sweden iyo jaaliyaddaba, oo si fiican iisoo dhaweeyay,
Iyo websitka ogadentoday iyo jaaliyada norway. Bye wiilwaalka abaaqaroow, guulaysta.
hanqadh@gmail.com
|